Norway: 704 qof oo 24-kii saac ugu danbeysay laga helay xanuunka Corona.

0
81

24-tii ee ugu danbeysay waxaa gudaha dalkan Norway laga diiwaangaliyay 704 kiis oo cusub oo ah dad laga helay xanuunka Corona. Tiradan ayaa noqoneyso tii ugu badneyd ee hal maalin laga diiwaangaliyo Norway.

Isku dar labadii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaa Norway laga diiwaangaliyay 1008 qof oo xanuunka Corona laga helay.

Waxaa sidoo kale oo iyadana koror ku yimid dadka uu soo ritay ee isbitaalada u jiifa xanuunkan, waxaana xiligan isbitaalada Norway yaala 64 qof oo xanuunka Corona laga helay.

Ilaa hada waxaa Norway laga diiwaangaliyay in xanuunkan ay u geeriyoodeen 282 qof.

Xigasho/kilde: 704 nye coronasmittede registrert siste døgn – høyeste tall noensinne.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments