UK oo xayiraad kusoo rogtay muwaadiinta dalkan Nordica ah.

0
140
Foto: BBC-NEWS-SOMALI

Dowlada dalka Ingiriiska ayaa soo galitaanka dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta u dhashay dalka Denmark, kadib markaas dalka Denmark lagu arkay nooc cusub oo xanuunka Corona ah, kaas oo laga qaado xayawaanka.

Amarkan mamnuucista ah ayay dowlada Denmark sheegtay inuu dhaqangalay isla shaleyba, waxaana ogolaansho gaar ah la siiyay muwaadiniinta u dhalatay dalweynaha UK ee Denmark ku sugan, rabana inay dalkooda kusoo noqdaan.

Coronavirus laga qaado Dabagaale:

Laamaha caafimaadka dalka Denmark ayaa maalmo kahor sheegay in deegaamo kamid ah dalka Denmark lagu arkay nooc cusub oo Coronavirus ah, kaas oo laga qaado xayawaanka Woqooyiga Yurub looga yaqaano Mink, muuqaal ahaan u eg xayawaanka ay soomaalidu u yaqaanaan dabagaalaha.

Dowlada Denmark ayaa go´aamisay in toogasho lagu dilo dhamaan xayawaanka dabagaalaha ah ee kunool Denmark, gaar ahaan aagaga lagu arkay nooca cusub ee xanuunka Coronavirus-ka ah. waxaana howshan loo xilsaaray oo la shaqo galiyay kumanaan qof oo isugu jiro boolis, shaqaalaha caafimaadka, ciidamada difaaca, ciidamada keydka(Reserve) iyo dad kale oo ka shaqeynaya howsha dilista xayawaankan oo cabsi laga qabo inuu xanuunka qaadsiiyo dadka kunool wadankaas.

Midowga Yurub iyo dalalka kale ee xiriirka ganacsi uu kala dhaxeeyo Denmark ayaa cabsi xoogan ka muujiyay wararka sheegaya in nooc xanuun cusub ah lagu arkay dalka Denmark. Waxaana hada talaabadii ugu horeeyay qaaday U.K oo mamnuucday in muwaadiniinta Denmark u dhashay ay dalkeeda soo galaan.

Xigasho/kilde: Danskene får innreiseforbud i Storbritannia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments