Denmark oo amartay in la dilo malaayiin xayawaankan ah oo laga helay nooc Coronavirus ah.

0
82

Laamaha caafimaadka dalka Denmark ayaa maalmo kahor sheegay in deegaamo kamid ah dalka Denmark lagu arkay nooc cusub oo Coronavirus ah, kaas oo laga qaado xayawaanka Woqooyiga Yurub looga yaqaano Mink, muuqaal ahaan u eg xayawaanka ay soomaalidu u yaqaanaan dabagaalaha.

Dowlada Denmark ayaa go´aamisay in toogasho lagu dilo dhamaan xayawaanka dabagaalaha ah ee kunool Denmark, gaar ahaan aagaga lagu arkay nooca cusub ee xanuunka Coronavirus-ka ah. Tirada xayawaanka la qorsheeyay in la dilo ayaa gaarayo 15-17 milyan xabo.

Waxaana howshan loo xilsaaray oo la shaqo galiyay kumanaan qof oo isugu jiro boolis, shaqaalaha caafimaadka, ciidamada difaaca, ciidamada keydka(Reserve) iyo dad kale oo ka shaqeynaya howsha dilista xayawaankan oo cabsi laga qabo inuu xanuunka qaadsiiyo dadka kunool wadankaas.

Xigasho/kilde: Dreper millioner av mink for å sikre koronavaksinens effekt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments