Shirkada Vitusapotek oo raali-galin buuxdo siiyay Iido Aadan.

0
94
Iido Adan Foto: NorSom News

Maalmo kahor waxay warbaahinta NorSom News wareysi la yeelatay Iido Aadan oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah oo wareysi shaqo kala kulantay faquuqis iyo cunsurinimo ka dhan ah jinsiyadeeda soomaalinimada. Halkan ka daawo wareysiga aan Iido la yeelanay.

Warbaahinta qaranka Norway ee NRK ayaa wareysi la yeelatay Iido, waxeyna mar kale ka hadashay dareenkeedana la qeybsatay bulshoweynta Norway, waxeyna muujisay sida ay uga xumaatay in ninka wareysiga shaqada ka qaadayay uu ku qiimeeyay jinsiyadeeda, halkii ay aheyd inuu ku qiimeeyo aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo. Ama uu xiriir la sameyn lahaa goobihii hore ay uga soo shaqeysay, uuna weydiiyo qaabkeeda shaqo iyo aqoonteeda dhanka shaqada(referanse).

Vitusapotek: Raaligalin buuxdo ayaan ka bixineynaa.

Miriam Thistel oo ah madaxa xiriirka ee shirkada farmashiyaasha Vitusapotek ayaa NRK u sheegtay in shirkadu ay raaligalin buuxdo ka bixineyso falka lagula kacay Iido, waxeyna sheegtay inay tahayu wax laga xumaado oo aan sinaba loogu dulqaadan karin.

Miriam ayaa sii sheegtay in shirkadu ay arintan si dhab ah u qaadan doonto, ayna ku sameyn doonto baaritaan. Balse ma aysan sheegin nooca talaabo ee laga qaadi doono ninkii wareysiga ka qaadayay Iido ee falka cunsurinimada ah kula kacay.

Xigasho/kilde: Ble fortalt at hun ikke var «skikket» til jobben fordi hun er somalier.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments