Bent Høie: Hada xaaladu waa halis!

0
123
Bent Høie: Wasiirka caafimaadka Norway Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Habeenkii ugu danbeeyay waxaa dalkan Norway laga diiwaangaliyay 704 qof oo laga helay xanuunka Coronavirus. Waxeyna aheyd tiradii ugu badneyd oo 24 saac gudahood laga diiwaangaliyo Norway, tan iyo markii uu xanuunku bilowday bishii Maarso.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie oo maanta shir jaraa´id qabtay ayaa sheegay in xaalada xanuunka ay hada mareyso meel halis ah, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladu ay isbuucan soo rogi doonto talaabooyin kale oo adag oo looga hortagayo faafitaanka xanuunka. Isaga oo dadweynaha ugu baaqay inaysan fududeysan khatarka sii kordheysa ee xanuunka.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii sidan ay xaaladu kusii socoto, ay laamaha iyo hey´adda caafimaadka awood u waayi doonaan caawinta iyo daaweynta dadka uu xanuunku soo rito. Isaga oo sheegay in dowladu ay qaadi doonto talaabooyin adag oo looga hortagayo faafitaanka xanuunka.

Xigasho/kilde: Høie varsler nye coronatiltak denne uken.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments