Norway oo ka digeyso in loo safro qeybo kamid ah Ethiopia.

0
124
Abby Ahmed: Reysulwasaaraha Ethiopia

War qoraal ah oo maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa muwaadiniinta Norwiijiga ah looga digay inay u safraan Woqooyiga dalka Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigreega, iyo deegaamada xuduuddaha ah ee katirsan gobolada Amxaarada iyo Canfarta ee xuduudka la leh gobolka Tigreega.

Digniintan ayay Norway ku saleysay dagaalada xooga badan ee ka dhex qarxay ciidanka Federaalka Ethiopia iyo ciidan goboleedka Tigreega oo maalmihii ugu danbeeyay dagaalo culus ay ku dhex marayeen deegaamo katirsan gobolkaas.

Norway ayaa sidoo kale ka digeyso in loo safro barriga gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia, iyo deegaamada xuduuda la leh Soomaalida.

Xigasho/kilde: Endring i reiseråd for Etiopia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments