Tawfiiq oo loo ogolaaday lacagihii horey looga xayiray: 4,8 milyan kr oo hordhac ah.

0
143
Foto: NorSom News

Wargeyska Aftenposten ee dalkan Norway ayaa maanta maqaal dheer ka qoray xaalada masaajidka soomaalida ee Tawfiiq oo sanadihii danbe uu hareeyay khilaaf dhanka maamulka ah oo ka dhaxeeyay labo guruub oo soomaali ah. Gobolka Oslo ayaa bil kahor ansixiyay, go´aan ahaa in masaajidku uu ka badbaaday digniin dulsaarneyd oo aheyd in laga tirtiri doono liiska ururada diimaha, kadib markii uu masaajidku buuxiyay sadex shuruudood oo lagu xiray.

Gobolka Osló ayaa bishii October si hordhac ah masaajidka ugu soo fasaxay 4,876,920 kr(4,8 milyan kr) oo aheyd taageeradii masaajidka laga xayiray, taas oo aheyd in masaajidku uu helo sanadkii 2019. Waxaana la filayaa in masaajidku uu dhawaan helo lacag kale oo 4 milyan gaareyso, taas oo uu ka heli doono qoondada dowlada ee taageerada ururada diimaha.

Gobolka Oslo ayaa sidoo kale hada wada ka shaqeynta codsiga taageeradii dhaqaale ee masaajidka ee sanadkan 2020. Isku dar lacagta masaajidka ka xiyirneyd ama laga hakiyay, ama la filayo inay helaan ayaa gaareyso 16 milyan kr.

Xakiin: Caruurta dugsiga lacag kama qaadano!

Wargeyska Aftenposten ayaa warbixintooda ku wareystay Xakiin Ismaaciil oo ah hogaanka masaajidka ama isku xiraha masaajidka iyo xafiisyada dowlada(Forstander). Waxaana xakiim ay Aftenposten weydiiyeen su´aalo adag oo la xiriira maamulka masaajidka iyo khilaafka ka dhaxeeyay labada guruub.

Aftenposten ayaa xakiim weydiiyay su´aalo dhowr ah oo kamid yihiin, waxa ka jiro in masaajidku uu caruur gaareyso 800-900 qof u dhigo dugsi quraan, ayna waalidiinta caruurta dhalay ka qaadaan lacag khidmad ah oo la siiyo macalimiinta dugsiga?.

Xakiin ayaa arrintaas ku tilmaamay waxbo kama jiraan, wuxuuna sheegay in qiyaastii 30 macalin oo dugsiga dhiga aysan qaadan wax mushaar ah, aysana shaqaale ka aheyn masaajidka. Isaga oo raaciyay in waalidiinta caruurtaas dhaley ay si iskaa wax u qabso(Frivillig) u wadaan howsha dugsiga.

Xakiim Ismaaciil ayaa sidoo kale diiday ama iska fogeeyay in masaajidku uu wax lacag ah ka sameeyo xajka iyo cumrada, wuxuuna Aftenposten u sheegay in arrintaas ay tahay wax ay xubnaha masaajidku dhexdooda iska abaabulaan, masaajidkuna uusan wax door(rolle) ah ku laheyn.

Hogaanka masaajidka ayaa sidaas oo kale Aftenposten u sheegay in maqaaxida masaajidka ku taalo iyo maktabada kitaabada, aysan aheyn wax masaajidku uu ka sameeyo faaíido lacageed. Balse labada meeloodba ay yihiin meelo lacagta iyaga kasoo baxdo dib loogu celiyo ama lagu maamulo, masaajidkuna uusan wax dhaqaale ah ka helin.

Maxamed Faarax: Maxkamad ayaan u soconaa.

Aftenposten ayaa dhanka kale wareysatay Maxamed Faarax oo ah afhayeenka guruubka kale ee sanadihii danbe uu khilaafka adag kala dhaxeeyay gudiga Tawfiiq, wuxuuna sheegay in kiiskii khilaafka uusan wali dhamaan. Hadana ay guruubkiisu isku diyaarinayaan maxkamad ay la fuulaan gudiga masaajidka, sidoo kalena ay dacwo ku saabsan wax isdabo sharciyeed u gudbin doonaan booliska Norway.

Maxamed Faarax ayaa si toos ah Xakiim Ismaaciil ugu eedeeyay inuu xeerka masaajidka ku sameeyay wax isdabo marin, isaga oo xeer ka duwan kii la ansxiyay u gudbiyay xafiiska gobolka Oslo.

Xakiim ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeynta Faarax, wuxuuna sheegay in laga rabo cadeymo adkeynayo warka ku saabsan in wax isdaba marin lagu sameeyay xeerka masaajidka.

Maxamed Faarax ayaa dhanka kale Aftenposten u sheegay in dad gaaraya 500 xubnood oo masaajidka katirsan ay dacwad maxkameed kusoo oogi doonaan gudiga masaajidka.

Isku soo duub kiiska masaajidka oo u muuqda mid si u xalismay ayaa hada noqday dhaawac furan oo daaweyntiisa la socdaan hey´addo badan iyo warbaahinta dalkan.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa horey dhowr mar u codsaday in labada guruub ee soomaalida ah ay dhexdooda heshiiyaan, iyaga oo sheegay inay ka wel-welsanyihiin xaalada masaajidka, aysana si dhow ula socon doonaan xaaladiisa.

Xigasho/kilde: Kampen om makten i den somaliske moskeen er likevel ikke over. Nå trues moskeen med søksmål.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments