NorSom News oo sanadkan u sharaxan bilada OXLO-Prisen ee Oslo Kommune.

0
92

Warbaahintan NorSom News, degmada Bydel Gamle Oslo ee magaalada Oslo iyo dhakhaatiirta iyo aqoonyahankii soomaalida ahaa ee si wadajirka ah uga shaqeeyay howshii wacyigalinta xanuunka Corona, ayaa sanadkan kusoo baxay liiska kama danbeysta( finalka) ah ee bilad-sharafeedka OXLO-PRISEN oo ay bixiso dowlada hoose ee magaalada Oslo.

Biladan oo sanad walba la bixiyo ayaa loogu talagalay in lagu abaalmariyo urur, shirkad ama shaqsi howl fiican oo muuqatay ka qabtay magaalada Oslo, howshaas oo faa´iido u leh dadka kunool magaalada. Halkan kasii akhri.

Degmada Bydel Gamle ee magaalada Oslo, NorSom News iyo dhakhaatiirta soomaalida ah iyo aqoonyahankii soomaalida ahaa ee iskaashaday wacyigalinta xanuunka Corona, ayaa sanadkan loo sharaxay ku guuleysiga bilabada. Waxeyna hada si wadajir ah u joogaan Finalka bilad sharafeedkan.

Maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishan November ayaa lagu dhawaaqi doonaa cida ku guuleysiga biladan.

Hadii aan ku guuleysano biladan iyo hadii kaleba, waxaa umada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, gaar ahaan magaalada Oslo, waxaa sharaf u ah in aqoonyahanka iyo warbaahinta soomaalida ah lagu maamuuso, laguna tixgaliyo shaqada ay qabteen, laga soo dhexdoorto boqolaalka urur ee sanadkan loo sharaxay, una tartamayay ku guuleysiga biladan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments