Oslo oo xeerar cusub soo rogtay

0
176
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Maamulka degmada hoose ee magaalalada Oslo ayaa qabtay shir jaraa´id oo ay kusoo bandhigeen xaaladii ugu danbeysay ee xanuunka Corona ee magaalada Oslo, iyaga oo sidoo kalena soo bandhigay xeerar cusub.

Oslo ayaa xiligan ah meesha ugu badan ee xanuunka Corona ee ku faafay Norway. Waxeyna maamulka degmadu isbuuc kahor soo bandhigeen xeerar adag oo lagu xakakeymanyo faafitaanka xanuunka.

Oslo Kommune ayaa maanta sidoo kale soo bandhigay xeerar cusub oo lagu kordhiyay kuwii hore, waxaana kamid ah:

Waxaa la mamnuucay kulmada iyo howlaha madadaalada ee loo sameeyo dhalinyarada ay da´doodu u dhaxeyso 13 ilaa 19, sida riwaayadaha, ciyaaraha iwm.

Degmada Oslo ayaa xirtay xarumaha ay iskuulka kadib isugu imaan jireen dhalinyarada dhigata iskuulada dhexe iyo wixii ka weyn.

Waxaa xaalad guduudan lagu soo rogay iskuulada dhexe ee dhalinyarada, taas oo ka dhigan in aad loo xakameyn doono isku imaanshaha ardeyda dhigata iskuuladaas, waxaana qeybo qeybo loo qeybinayaa ardeyda dhigata fasalada, iyada kulamada ardeyda ee iskuulka dhexdiisa.

Dhalinyarada ayaa xiligan ah dadka ugu badan ee laga helo ama loo badinayo inay ka qeybqaataan faafitaanka xanuunka Covid-19.

Xigasho/kilde: Oslo innfører rødt nivå på ungdomsskoler.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments