Aftenposten oo raali-galin ka bixisay cinwaankan, dhaleeceyn badan kadib.

0
113
Foto: Skjermdum/Aftenposten

Wargeyska Aftenposten oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkan Norway ayaa maalmo kahor warbixin ku saabsan faafitaanka xanuunka Corona ee bulshooyika ajaaniibta ah, cinwaan uga dhigay «Innvandrersmitten», kaas oo ahaa mid siyaabo kala duwan loo fasirtay, doodna badana abuuray.

Maqaalka cinwaanka looga dhigay ayaa ahaa mid ku saabsanaa tirada dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay, gaar ahaan magaalooyinka Oslo iyo Drammen.

Cinwaankan ayaa loo fasirtay mid faquuq ah oo faafitaanka xanuunka dusha looga saarinayo ajaaniibta. Waxaan falcelin xoogan ka muujiyay ururada ajaaniibta iyo hey´addaha caafimaadka oo sheegay inay xaalada hada ka taagan uga sii dareyso.

Wargeyska Aftenposten ayaa mudo shaley raaligalin ka bixiyay qoraalka iyo cinwaabkaba, waxeyna sheegeen inuu ahaa mid aan sawir fiican ka bixineyn nuxurka maqaalka iyo warbixinta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments