Mohamed Faarax: 500 qof ayaa gudiga Tawfiiq maxkamad la fuuli doono.

0
119
Maxamed Faarax: Afhayeenka guruubka khilaafka uu kala dhaxeeyo gudiga Tawfiiq. Foto: Privat

Wargeyska Aftenposten ayaa maanta warbixin dheer oo dhinacyo badan leh ka qoray kiiska masaajidka soomaalida Oslo ee Tawfiiq, kaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu hareeyay khilaaf xoogan oo ka dhaxeeyay labo guruub oo soomaali ah. Halkan ka akhri warbixintii koowaad ee aan ka qornay maanta.

Aftenposten ayaa warbixintooda ku sheegay in masaajidku uu dhawaan helay lacag gaareyso 4,8 milyan kr oo aheyd lacag masaajidka horey looga xayiray khilaafka Awgii. Ayna jidka kusoo jirto lacag kale oo 4 milyan kale gaareysa. Isku dar lacag la filayo inuu masaajidku helo ayaa gaareysa 16 milyan kr oo aheyd lacago masaajidka horey looga xayiray. Halkan kasii akhri.

Maxamed Faarax: Maxkamad ayaan gudiga la fuuli doonaa.

Aftenposten ayaa warbixintooda oo dheereyd ku wareystay Maxamed Faarax oo ah afhayeenka guruubka uu khilaafku kala dhaxeeyay gudiga masaajidka labadii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuuna sheegay in khilaafkii maamulka masaajidka uusan dhamaan, gudigana masaajidkuna uusan heysan kalsoonida xubnaha masaajidka oo dhan. Isaga oo raaciyay in gudigu uusan aheyn mid isku dhafan oo wada matali kara xubnaha masaajidka, gaar ahaan dumarka iyo dhalinyarada wadankan ku kortay ee aqoonta maadiga ah leh.

Faarax ayaa gudiga masaajidka ku eedeeyay arrimo ay kamid yihiin wax is dabo marin sharci, dhaqaalaha masaajidka oo aan la ogeyn meesha uu ku baxo ama aan meelihii saxda ahaa ku bixin, daahfurnaan la´aan, xoogsi iyo iska horkeenis xubnaha masaajidka. Wuxuuna si toos ah hogaanka masaajidka ugu eedeeyay inuu sameeyay isdabo marin xaga sharciga ah, iyaga oo sharcigii la ansixiyay Juni 2019 ka badalay qodobo kamid ah, gaar ahaan qodoba awooda shirweynaha guud(Generalforsamling) iyo awooda gudiga maamulka(Styret).

Maxamed ayaa Aftenposten u sheegay in hogaanka masaajidku(Forstander) uu turjumaad qalad ah saaray xeerkii masaajidka, iyaga oo xeer aan sax aheyn u diray xafiiska gobolka Oslo. Wuxuuna sheegay in awoodii xubnaha masaajidka oo aheyd shirweynaha guud lagu wareejiyay gudiga masaajidka. Arintaasna ay tahay mid aan aheyn wixii ay anxisiyeen xubnaha masaajidka.

Afheyeenka guruubka kasoo horjeedo gudiga masaajidka ayaa sheegay inay diyaariyeen ilaa 500 xubnood oo masaajidka katirsan, kuwaas oo maxkamad toos ah la fuuli doonaa gudiga masaajidka. Hadii aysan qabsoomin doorashadii gudiga masaajidka ee lagu balansanaa dhamaadka bishan November(Sida uu isagu sheegay). Sidoo kalena ay booliska u diri doonaan cadeymaha wax isdaba marineed oo ay hayaan, ayna ka dalban doonaan baaritaan sharciyeed.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa horey dhowr mar u codsaday in labada guruub ee soomaalida ah ay dhexdooda heshiiyaan, iyaga oo sheegay inay ka wel-welsanyihiin xaalada masaajidka, aysana si dhow ula socon doonaan xaaladiisa.

Xigasho/kilde: 500 medlemmer er i ferd med å utforme et gruppesøksmål mot moskeen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments