Denmark: Soomaali xaaskiisa gacan qaaday oo xabsi iyo tarxiil lagu xukumay.

0
102

Maxkamada magaalada Odense ee dalka Denmark ayaa xukun xabsiyeed shan sano ah iyo tarxiil isugu dartay 22 sano jir soomaali ah oo ku eedeysnaa inuu gacanqaad, jirdil iyo kufsi u geystay xaaskiisa.

22-jirkan oo ku dhashay, kuna koray Denmark ayaa horey dhowr mar loogu xukumay danbiyo la xiriira dhac, burcadnimo iyo eedeymo kale.

Danbiyada ay xeer ilaalinta booliska Odense ku eedeysay 22-jirkan, ayaa waxaa kamid ah inuu gacanqaad u geystay, sigaarna uu ku damiyay xaaskiisa oo dhalasho ahaan u dhalatay dalka Ciraaq. Sidoo kalena uu u geystay kufsi(Xoog ama Galmo aysan raali ka aheyn).

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee Odense, 22-jirkan soomaaliga ah ayaa xaaskiisa ku bartay khadka internetka, isaga oo markaas ku jiray xabsiga, kuna xukunaa danbi uu markaas geystay.

Gabadha Hooyadeed ayaa dacwada ka gudbisay:

Sida ay qoreen warbaahinta hooyada dhashay gabadha uu 22-jirka soomaaliga ah qabay ayaa aragtay gabadheeda oo gashan ookiyaalaha qoraxda, xili ay ku jirtay gurigeeda gudihiisa, taas oo aheyd wax aysan caado u laheyn. Shaki iyo su´aalo weydiin kadib, waxey ogaatay in gabadhu ay ookiyaalaha ku qarineysay nabar isha kaga yaalo, kaas oo uu gaarsiiyay ninkeeda.

Hooyada dhashay gabadha ayaa xiriir la sameysay booliska, iyada oo ka codsatay inay baaraan shakiga ay ka qabto in gabadheeda ay jirdil kala kulanto wiilka soomaaliga ah ee qabo. Baaritaan kadib, booliska oo horey aqoon ugu lahaa wiilkan soomaaliga ayaa dacwad kusoo oogay.

Denmark ayuu ku dhashay: Waxaa lagu xukumay in ka tarxiilo:

22-jirkan soomaaliga ah ayaa sida ay qoreen warbaahinta Denmark, ku dhashay kuna koray dalka Denmark. Isaga oo aan xiriir fiican la laheyn dalka lagu xukumay in loo tarxiilo ee Soomaaliya, luuqada soomaaligana aan si fiican ugu hadlin.

Maxkamada ayaa go´aankeeda tarxiilka ku saleysay kahortaga danbiyo uu wiilkan geysan karo mustaqbalka, maadaama uu muujiyay inuusan ka joogsan karin galista fal danbiyeedyo looga digay.

Maxkamada ayaa labo mar oo hore digniin la xiriirto tarxiilis siisay wiilkan soomaaliga ah, kadib markii xukuno loogu riday danbiyo la xiriira.

Xigasho/kilde: Voldtog og brændte hustru: Ung somalier fra Odense udvist

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments