Fredrikstad: 85 qof oo Coronavirus ka qaaday tacsi soomaali ah.

0
78

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Fredriksstad Blad, ilaa 85 qof oo lala xiriiriniyo inay ka qeybqaateen tacsi soomaali ah, ayaa laga helay Feyruska Corona maalmihii ugu danbeeyay. 70 kamid ah 85-taas qof ayaa sida uu sheegay dhakhtarka degmada Fredrikstad, waxaa xanuunka laga helay afartii maalmood ee ugu danbeysay.

Tacsida ayaa la xiriirtay geeri lasoo daristay qoys soomaali ah, waxaana intii u dhaxeysay 1-3 November guriga qoyska booqasho ku tagay dad badan oo qoyska geeridu soo gashay u tacsiyeynayay.

Dhakhtarka guud ee magaalada Fredrikstad, Guro Steine letting ayaa sheegtay in xanuunku uu ku dhex fiday qoysas badan, ayna faafitaanka xanuunku sameysay heerar kala duwan. Waxeyna sheegtay inay inay xiriir iyo wada shaqeyn fiican ay la sameeyeen bulshada soomaalida ah ee Fredrikstad ku dhaqan, hadana ay kujiraan koobitaanka iyo helista dadka xiriirka la sameeyay dadka xanuunka laga helay. Ayna jiraan dad lagu wargaliyay inay guryahooda karantiil ku galaan.

Magaalada Fredrikstad ayaa hada lagu tirinayaa magaalooyinka uu sida gaarka ah uga dilaacay xanuunka Corona gudaha dalkan Norway.

Wixii arintan kasoo kordho dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: 85 personer smittet etter begravelse i Fredrikstad

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments