Solberg oo mar kale tusaale wanaagsan soomaalida usoo qaadatay, xili tiradu ay si xawli ah kor ugu socoto.

0
80
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg oo shaley qabatay shir jaraa´id, ayaa tusaale wanaagsan usoo qaadatay qaabka ay bulshada soomaalida ah bilihii April iyo Mai uga shaqeeyaan xakameynta faafitaanka xanuunka Corona.

Dhanka kalena hey´adda FHI ayaa soo bandhigtay in labadii isbuuc ee lasoo dhaafay oo kali ah xanuunka laga helay dad soomaali ah oo gaaraya ilaa 258 qof, kuwaas oo intooda badan degan magaalooyinka Bergen Fredrikstad iyo Bergen. Sidoo kalena ay isbitaalka xanuunkan u jiifaan dad gaarayo 11 qof oo soomaali ah.

Soomaalida oo 8 maalmood kahor kujirtay booska 4-aad ee dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay, ayaa hada kujirto booska labaad. Waxeyna isbuucan dhaafeen guruubyada Pakistanta iyo Afghanistanta.

Reysulwasaaraha dalkan Norway ayaa xili ay shaley jimcihii qabaneysay shir jaraa´id, waxaa su aal weydiiyay wariye ka sugnaa shirka jaraa´id, waxeyna weydiiyay sababta ay dowladu ugu guuleysan weyday xakameynta xanuunka ee bulshooyinka ajaaniibta iyo wacyigalintooda. Maadaama ay ajaaniibtu aad ugu badanyihiin tirada dadka xanuunka laga helayo isbuucyadii ugu danbeeyay.

Solberg oo ka jawaabeyso su´aasha wariyaha, ayaa tusaale usoo qaadatay sida ay bulshada soomaalida ah iyo heyá ddaha caafimaadka oo si wadajir ah u shaqeynaya ay ugu guuleysteen xakameynta xanuunka Corona, wareegiisi koowaad. Waxeyna carabka ku adkeysay inay muhiim tahay inay wadashaqeyn dhexmarto ururada ajaaniibta ah, dadka ka shaqeeyo caafimaadka ee asal ahaan ajnabiga ah, dadkana la gaarsiiyo warbixinada caafimaad ee ugu danbeeyay.

Marka laga tago reysulwasaaraha, waxaa iyagana shaqada wanaagsan ee bulshada soomaalida ah ay iskeed u qabatay tusaale fiican marar badan usoo qaatay, wasiirka caafimaadka Bent Høie iyo gudoomiyaha degmada Oslo, Reymond Johansen.

Solberg ayaa dhanka kale canaan adag u jeedisay dhalinyarada(Cadaan) sameeya xafladaha ama ku kulma guryaha iyo baararka khamriga, si ay xaflado qarsoodi ah u dhigtaan, iyada oo dowladu ay mamnuucday ineysan isku imaan karin wax ka badan 10 qof.

Halkan ka daawo shirka jaraa´id ee Solberg:Daqiiqad 14-aad.

Halkan ka fiiri tirokoobka FHI ee isbuuca 45-aad.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments