Xildh. M. Camaleeti: Soomaali kamid noqday gudiga xeerbeegtida hey´adda muhiimka ee UNE.

0
222
Maxamed Camaleeti Foto: Privat

UNE waa hey´adda ka sareyso hey´adda UDI-da ee qaabilsan arrimaha socdaalka, qoxootiga iyo soo galootiga. Waana hey´adda looga dacwoodo UDI-da, marka ay racfaan uu qofku ka qaadanayo go´aan ay gaartay UDI-da, waxeyna hoos tagtaa oo qaab aan toos aheyn u maamula wasaaradda cadaalada Norway.

Hey´addan ayaa ah meesha qofka diidmada ka hela hey´adda UDI uu mar kale tijaabiyo in kiiskiisa dib u qiimeyn lagu sameeyo ama lagu fiiriyo indho cusub oo ka duwan kuwii hore ee UDI-da.

UNE oo u shaqeyso qaab maxkamadeed oo kale ayaa ka kooban 323 xubnood oo xeerbeegti ah(Garqaadayaal), kuwaas oo laga soo xulay qeybaha kala duwan oo bulshada. Xubnaha loo dooranayo xeerbeegtida UNE, waxaa marka hore laga soo sharaxo gudoomiyaasha gobolada Norway, hey´addaha sharci yaqaanada, kuwa qoxootiga, ururada qoxootiga iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha bulshada. Waxaana intaas kadib la horgeeyaa golaha baarlamaanka Norway iyo wasaaradda cadaaladan, kuwaas oo kasoo xusho kuwooda la isku raaco inay buuxin karaan shuruudaha adag ee lagu xirayo qofka kamid noqonayo gudiga UNE.

17 kamid ah 323-ka xubnood ee lasoo xulo, ayaa fadhiista gudiga sarre( stornemnd) ee UNE, gudigaas oo ah meesha ugu danbeysa ee la gaarsiin karo kiisaska sharci ahaan adag, loona arki karo inay muhiimad gaar ah leeyihiin.

Maxamed Camaleeti: Soomaali kamid noqday gudiga xeerbeegtida UNE.

Wasaaradda cadaalada Norway ayaa barteeda Internetka kusoo bandhigtay magacyada dadka sanadkan loo xushay inay afarta sano ee soo socoto(2021-2024) noqon doonaan xeerbeegtida hey´adda UNE. Waxaa liiskaas kujiro Maxamed Camaleeti oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Fredrikstad ee gobolka Viken. Camaleeti ayaa sanadka katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Camaleeti ayaa kamid siyaasiyiinta dhalinyarada ee firfricoon, kana dhex muuqdo howlaha siyaasada iyo kuwa bulshada.

Xigasho/kilde: Nye nemndmedlemmer til UNE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments