Dalalkan ayay kasoo jeedaan ajaaniibta isbuucyadii tagay laga helay Corona.

0
78
Foto: NN-DDSI

Sida laga arki karo tirokoob ay sameysay hey´adda ilaalinta caafimaadka dadweynaha ee FHI, 38% dadka laga helay xanuunka Coronavirus Norway gudaheeda afartii isbuuc ee lasoo dhaafay, ayaa ah dad ku dhashay meel Norway ka baxsan.

Dadka u dhashay dalka Poland ayaa ilaa isbuucyadii ugu danbeeyay ahaa ajaaniibta ugu badan ee xanuunka laga helay Norway gudaheeda. 736 qof oo Poland u dhashay, ayaa afartii isbuuc ee lasoo dhaafay laga helay Coronavirus. Waxaana intooda badan lala xiriirinayaa inay xanuunka kasoo qaadeen dalka Poland, kadibna ay usoo safreen Norway.

Dalka Poland ayaa kamid ah wadamadda uu xanuunku saameynta ba´an ku yeeshay isbuucyadii lasoo dhaafay. Halka Qawmiyada Poolishku ay yihiin ajaaniibta ugu badan ee Norway kunool, waxaana bishii lasoo dhaafay oo kali ah garoomada diyaaradaha Norway kasoo talay 15.000 qof oo Poland ka yimid. Poolishka Norway kunool ama ka shaqeysta, ayaa inta badan caan ku ah inay safar joogto ah ku tagaan dalkooda.

Marka la tago Poolishka, waxaa soo labeeyo Pakistanka, waxaana afartii isbuuc ee lasoo dhaafay xanuunka Coronavirus laga helay 180 qof oo Pakistan kasoo jeedo. Halka Ereteriyaanka laga helay Coronavirus ay yihiin 122 qof.

Soomaalida ayaa ayaa kujirto booska afaraad, waxaana afartii isbuuc ee lasoo dhaafay xanuunka laga helay 91 qof oo soomaali ah.

Tirada oo dhameystiran: Polen (736), Pakistan (180), Eritrea (122), Somalia (91), Afghanistan (85), Irak (83), Sverige (67), Iran (53) & Russland (50).

Xigasho/kilde: FHI: Fra disse landene kommer innvandrerne med mest smitte i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments