Reysulwasaare Solberg oo tusaale fiican usoo qaadatay Soomaalida.

0
75
Foto: regjeringen.no/skjermdupm

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa shaley hogaamisay shir fogaan arag ah(Digital) oo looga hadlayay xaalada sii xumaaneyso ee xanuunka Coronavirus, gaar ahaan korarka aadka ah ee tirada dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helayo. Waxaana reysulwasaaraha shirka kala qeybgalay dhowr wasiir oo kamid ah xukuumadeeda, hey´addaha caafimaadka iyo dad ururo si gaar ah loo casuumay oo kuwa ajaaniibta matalo ah.

Solberg ayaa intii kulanka lagu jiray muujisay wel-welka ay dowladu ka qabto tirada sii kordheysa ee dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helayo. Gaar ahaan dadka waayeelka ah, iyada oo sheegtay in ajaaniibtu ay tiro xoogan oo muuqato ka yihiin dadka xanuunka uu soo rito ee isbitaalada Norway jiifo. Waxeyna ururada ajaaniibta ah weydiisatay inay dowlada talo ka siiyaan qaabkii dowladu ay uga shaqeyn laheyd kahortaga in xanuunkaas uu kusii faafo bulshada guud ahaan, gaar ahaan bulshooyinka ajaaniibta ah.

Reysulwasaaraha ayaa intii kulanka uu socday sheegtay in hadii wadashaqeyn ay sameeyaan hey´addaha dowladu iyo ururada ajaaniibta ah, la qaban karo shaqo fiican oo natiijo laga gaari karo. Waxeyna tusaale usoo qaadatay soomaalida oo wareegii koowaad ee xanuunka Corona Virus, ay aad u badneyd tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka laga helay, laakiin markii ay dhexdooda sameeyaan abaabul xoogan, ayna kaashadeen hey´addaha dowladu ay tiradu si aad ah isku dhintay. Iyada oo raacisay in arintaas wax laga baran karo.

Solberg ayaa si adag uga hadashay muhiimada ay leedahay inaan la yareysan halista xanuunka Coronavirus oo mar kale kusoo rogaal-celiyay Norway.

Xigasho/kilde: Dialogmøte om korona-tiltak målrettet mot innvandrermiljøer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments