mandag, april 29, 2024

Hada: Oslo oo bandow qeyb ah lagu soo rogay.

Gudoomiyaha maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo, Reymond Johansen oo daqiiqado kahor shir jaraa´id qabtay, ayaa sheegay in maamulka magaalada ay go´aansadeen in bandow qeyb ah lagu soo rogo magaalada Oslo. Gaar ahaana xayiraad lagu sameeyo goobaha ay dadku isugu imaadaan.

Maamulka magaalada ayaa amray in albaabada loo loobao goobaha jimicsiga (Treningssenter), Shaneemooyinka, goobaha dabaasha iyo tiyaatarada. Waxaana sidoo kale la mamnuucay xafladaha lagu qabto hoolasha gudaha ah.

Maamulka magaalada ayaa dhanka amray in gabi ahaanba la xiro goobaha lagu iibiyo khamriga.

Magaalada Oslo ayaa ah meesha ugu uu xanuunka Corona saameynta ugu badan ku leeyahay gudaha dalkan Norway, waxaana Dhowrkii maalmood ee tagay xanuunka laga helay 545 qof.

Xigasho/kilde: Sosial nedstenging av Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x