Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay kursiga Xildhibaanka M.N

0
96

Xidlhibaanada asal ahaan soomaalida ah ee Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka, iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay. Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Dhanka kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka, iyadoo laga dhursugayo oo haatan ay diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo.

Ilhaan Cumar oo 39 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Mareykanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments