Sweden: Booliska oo loo fasaxay adeegsiga kaamarooyinka aqoonsada wejiyada.

0
201
Foto: Shutterstock

Hay’adda la socodka xogaha internet ka ee Datainspektionen ayaa u oggaaltay booliska in uu bilaabo in uu adeegsado baaritaanada fal dambiyedyada hanaanka kaamarooyinka ee aqoonsada wejiyada.

Go’aanka ayaa micnahiisu waxuu yahay adeegsiga tiknoolijiyada wejiyada aqoonsada ee  AI iyo biometrisk kuwaasi oo lagu dabaqi doono kaamarooyinka ilaalada ee imminka ku rakiban qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Xarunta baarista dambiyada booliska ee NFC, iyo qeybta culuunta IT-ga ee isla booliska ayaa si tijaabo ah ugu adeegsaday baaritaanada fal dambiyeeydyo dhacay  mashruucan kaamarooyinka aqoonsada wejiyada dadka la doon doonayo, waxaana imminka oggolaasha buuxda ay ka heleen hay’adda la socodka xogaha internet-ka.

Niclas Appleby oo ah baare ka tirsan xarunta baarista fal dambiyeedyada ee NFC ayaa ku tilmaamay in awooda hanaanka wejiyada aqoonsada ee imminka loo suurageliyay booliska uu yahay mid waxtar weyn oo daraasad ku sammeyn kara tiro badan oo muuqaalo ah.

Sarkaalkan ayaa sheegay in habka lagu baadigoobi karo nooca dhar ee uu sitay qof la tuhumo marka uu geysanayay fal dambiyeedka.

Mar la weydiiyay rajada booliska uu ka qabo oggolaashaha ay imminka heleen ayaa Niclas Applby waxuu kaga jawaabay.

– Waxaan ku heleynaa jawaabta aan dooneyno si deg deg ah marka aan u adeegsaneyno hanaankan baarista muuqaalada, natiijo deg deg ah ayaan heli karnaa, ayuu yiri Niclas.

Baarahan ayaa sheegay in keliya bilooyin yar ay qaadan doonto adeegsiga habka kaamarooyinka ee aqoonsan kara dadka la baadigoobayo, gaadiidka la doon doonayo  iyo waxii la la hal maala, waxaana lagu bilaabi doono magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Xigasho/kilde: Sverigesradio.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments