Oslo: Karantiilka ayuu jabiyay: 20.000 kr ayaa lagu xukumay.

0
92

Nin 20-meeyo jir ah oo Oslo degan ayaa lagu xukumay 20.000 oo ganaax lacageed ah, kadib markii lagu qabtay inuu jabiyay sharciga karantiilka ee kahortaga faafitaanka xanuunka covid-19.

Ninkan ayaa ka yimid dalka Bulgaria oo kamid ah dalalka uu ku faafay xanuunka Covid-19 (Dalalka guduudka ah), waxaana markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha lagu amray inuu galo karantiil 10 maalmood ah.

2 maalmood kadib markii lagu amray inuu karantiilka galo, ayuu booqday xafiiska waaxda canshuuraha ee magaalada Oslo, isaga oo balan ka qabsaday. Ninkan ayaana shaqaalaha xafiiska uu booqday aan u sheegin inuu ku jiray karantiil, ayna aheyd inuu gurigiisa joogo.

Markii la ogaaday inuu kasoo baxay karantiilkii, ayaa lagu xukumay 20.000 kr oo ganaax ah, sida uu qabo sharciga ka hor tagista faafitaanka xanuunka Covid-10.

Xigasho/kilde: Oslo-mann fikk 20.000 kroner i bot for karantenebrudd.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments