fredag, april 26, 2024

Jiir horey aduunka looga waayay oo Soomaaliya laga helay.

Cilmibaarayaasha dabar go´a xayawaanada duurjoogta ah, ayaa sheegay in nooc jiir ah oo 50-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa aduunka lagu arkin, laga helay geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Jiirkan oo loo bixiyay magaca Jiir-maroodiga Soomaaliya ayaa ah nooc jiir duurjoog ah oo muuqaal ahaan aad uga weyn jiirka caadiga ah. Waxaana uu kamid yahay xayawaanada duurjoogta ah ee kasii dabar go´ayo aduunka, iyada mudo mudo 50 sano ah la aaminsanaa in xawayaankaas uu gabi ahaanba dabar go´ay.

Cilmibaarayaasha ayaa sheegay in 39 jiirka noocan ah aduunka laga helay sanadkii 1970-kii. Balse markii ugu horeysay mudo 50 sano ah dib loo helay nooc kamid ah jiirkan oo Geeska Afrika lagu arkay.

Xigasho/kilde: I et halvt århundre har forskere trodd at den somaliske elefantspissmusen var utryddet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x