Oslo: Dowlada Turkiga oo hadal kasoo saartay kitaab quraan ah oo Oslo lagu jeex-jeexay.

0
149
Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga: Mevlut Cavusoglu

Ururka isku magacaabay joojinta islaameynta Norway(SIAN) ayaa sabtidii banaanbax ku qabtay afaafka hore ee aqalka baarlamaanka Norway. Iyaga oo sheegay inay banaanbaxaas ku muujinayeen fikirkooda ku aadan in islaamka uu xoog ku qabsanayo Norway iyo dalalka kale ee galbeedka. Waxaana banaanbaxaas ka hor yimid dad kale oo ka careysan ururkan, iyada oo boolis badan ay joogeen banaanbaxa, si ay uga hortagaan rabshado isku dhac iyo gacan ka hadal.

Intii uu banaanbaxa socday, haweenay katirsan ururka SIAN ayaa kitaab quraan ah ku hor jeex-jeexday dadkii daawanayay ee banaanbaxa joogay, iyada oo sidoo kale bilowday inay baalasha kitaabka quraanka ah ku tufto candhuuf, iyada ku qeylineyso ereyo xun-xun oo lidi ku ah diinta islaamka iyo nabi Muxamed NNKH.

Safaarada dalka Turkiga ee dalkan Norway oo war qoraal ah kasoo saartay arrintan, ayaa ku canbaareysay ficilkan oo ay ku sheegeen in looga danleeyahay gardareysi iyo kicin dareenka dadka muslimiinta ah. Iyaga oo dowlada Norway ugu baaqay inay sameyso talaabooyinka laga maarmaanka ah ee looga hortagayo in falalkan foosha xun aysan mar kale dib usoo noqon. Halkan ka akhri fariinta safaarada Turkiga ee wakiilka ka ah wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Xigasho/kilde: Tyrkia fordømmer Sians Koran-behandling.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments