Germany: Soomaali soomaali kale dilay.

0
214
Abdifitaax: Sawirka marxuumka geeriyooday. Foto: Privat

Sida aan kasoo xiganay warbaahinta lokalka ah ee soomaalida Germany, waxaa magaalada Marburg ee gobolka Hessen lagu dilay wiil soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdifitaax, waxaana dilkiisa qirtay oo boolisku isku soo dhiibtay nin kale oo soomaali ah.

Ninka wax dilay ayaa labo maalmood kadib marka uu dilka geystay isku soo dhiibay booliska magaalada Marburg, isaga oo booliska ku wargaliyay inuu jiro qof uu dilay oo uu qolkiisa kusoo xiray.

Booliska ayaa marka ay xabsiga dhigeen ninkii isku soo dhiibay kadib, gaaray meesha uu ninka isa soo dhiibay sheegay inuu wax ku dilay, waxeyna qolka ugu tageen wiil meyd ah.

Booliska ayaa wali wado baaritaanka dhacdadan, iyaga oo masuuliyiin katirsan soomaalida magaaladaas degan ay sheegeen in wiilka la dilay la aasi doono, marka ay boolisku dhameeyaan kiiska baaritaanka ah.

Dalka Germany waxaa sanadihii tagay aad ugu badanayo dilalka ay iski geystaan dhalinyarada soomaalida ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments