lørdag, april 20, 2024

Siv Jensen: Turkiga haloo sheego in xoriyada hadalka ay ka jirto Norway.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa war qoraal oo ay soo saartay ku canbaareysay kitaab quraan ah oo lagu jeex-jeexay banaanbax ka dhacay magaalada Oslo, waxeyna dowlada Turkiga Norway ku wargalisay muhiimada ay leedahay in la sameeyo talaabooyin looga hortagayo in falal noocaas oo kale ah ay ka dhacaan Norway. Halkan kasii akhri.

Siv Jensen Wasiiradii hore ee maaliyada Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga midigta fog ee Frp ayaa fal celin xoogan ka muujisay hadalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyada oo sheegtay inay wax loo dulqaadin karin ay tahay in dowlad shisheeye oo diktaatoori ah ay Norway u yeeriso xoriyada hadalka oo ah wax tiir dhexaad u ah dimuqraadiyada Norway.

Jensen ayaa raacisay inay dowlada Norway ka sugeyso inay jawaab celin ku haboon ay ka bixiso hadalka wasaaradda arrimaha Turkiga, ayna muhiim tahay in Turkiga iyo wadamada kale ee muslimka ah loo sheego xoriyadu hadalka ee kajirto Norway, kuna xusan dastuurka Norwa, aysana arintaas istaajin karin hadal ama falcelin kasoo baxda dowlada kale oo shisheeye.

Siv Jensen ayaa sheegtay: waxaa muuqato in wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, aysan fahmin micnaha xuquuqda xoriyada hadalka ee Norway.

Xigasho/kilde: Erna Solberg etter Sians krenkefest: Ytringsfriheten har en kostnad.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x