Abdirahman M: Hala tirtiro ururka masaajidka Tawfiiq, ilaa ay soomaalidu ku heshiineyso!.

0
87
Abdirahman Mohamed: Qoraha maqaalka Utrop- Foto: Privat

Warbaahinta dalkan Norway ayaa isbuucan si aad ah u hadalhayay khilaaf iyo is qabqabsi ka taagan maamulka masaajidka ugu weyn soomaalida dalkan Norway ee Tawfiiq, khilaafkaas oo socday mudo gaareyso 2 sano. Sabtidii lasoo dhaafay ayuu khilaafkaas gaaray heerkii ugu sareysay, kadib markii boolis ay masaajidka soo galeen, iyaga oo banaanka masaajidka u saaray xubno katirsanaa mid kamid ah labada guruub ee masaajidka isku heystay, xili ay dhacey codbixin doorasho.

Abdirahman Mohamed oo ah siyaasi dhalinyaro ah oo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, horeyna uga mid ahaa golaha deegaanka degmada Asker ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Utrop ku cadeeyay dareenkiisa ku aadan khilaafkan ay warbaahintu hadalheyso.

Wuxuuna sheegay in khilaafkan uu yahay mid aad looga xumaado, sumcad daro weyna usoo jeediya bulshada soomaalida oo awalba ku dhibaneyd sumcad xumada warbaahinta uga imaaneyso. Wuxuuna maqaalkiisa ku cadeeyay inuu rajeynayo in xafiiska gobolka Oslo uu xayiro dhaqaalaha oo kamid ah waxyaabaha loo maleynayo inuu khilaafka keenayo, ilaa ay soomaalida xal waara iyo maamul hagaagsan u sameyanyaan masaajidkooda.

Somaliere er allerede en gruppe mange snakker om og har negative assosiasjoner til.

Abdirahman ayaa qoraalkiisa sidoo kale su´aal kaga keenay, sababta ay boolisku usoo dhexgaleen doorasho dimuqraadi ah oo urur sharciyeysan oo dowlada lacag ka helo. Iyaga sababta markii horeba keentay in boolis la isugu wacdo?

Siyaasiyagan ayaa maqaalkiisa kusoo gabagabeeyay in hadii soomaalidu ay ku heshiin weydo maamulka masaajidka, uu rajeynayo in la tirtiro ururka masaajidka ee dhaqaalaha ka hela dowlada, kadibna dib loo diiwaangaliyo marka ay ku heshiiyaan!.

Halkan ka akhri maqaalka: Tawfiiq-moskeens uryddighet setter allerede sårbart miljø i dårlig lys.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments