Maqaal-AbdiQaybdiid Muuse: Mushkilada masaajidka T.I.S iyo sida lo xalin karo.

0
72

Masaajidka tawfiiq waxaa baryahan aad u so noqnoqnayo khilaafkiisa iyo hadal haynta warbaahinta dalkan Norway.

T.I.S waa masaajidki ugu horeeyey ee ay somali xoogooda , aqligooda iyo dhaqalahoodaba ku dhistaan wa tilmaan iyo dadaal wanagsan oo aan horey somali loogu arag wayna ku amaananyihiin.

In mudo ahna waxa taagan khilaaf laba group aha ama koox oo mid walba gudinimo sheeganayo marki khilaaf qaabka xulitaanka ah yimid.

Wa nasiib daro in soomaalidii dhisatay hadana ku heshiin waayaan maamulka iyo socodsiinta shaqo maalmeedka masaajidka, taas na ay keentay in lacago aan daruuri ahayn caruurteenina u baahantahay loo isticmaalo abukaate ( advokater) difaacaya danaha gaarka ah ee labada group.

Masaajidka waxa so gasho lacag badan oo takuleyn dawladeed,mid ganacsi iyo tabarucaad ka timaada bulshada kheyrka badan ee somaliyeed.

Lacagaha faraha badan hadii nidaam fiican oo muuqda( transparent) loo isticmaalo waxyaabo badan bay u qaban lahayd somalida dalka ku nool yar iyo weynba.

Maxa haboonan lahayd in lacagaha lo isticmaalo?

Waxa fiicnan lahayd in lo isticmaalo:
1) madaama waalidiinta somaliyeed u badan yihiin dan yar in laga dhaafo lacagta dugsiga quraanka.
2) In loo qabto caruurta somaliyeed macalimiin ka cawisa shaqada skuul( hjemme lekse) si aan u helno caruur ka dhisan aqoonta kuna abuurto jacayl waxbarasho, waxaan shaki ku jirin in waalidin badan aysan fursad aqooneed u lahayn iney caruurtooda caawiyaan.
3) in munasabadaha ciida caruurteeda somaliyeed lo sameeyo meelo madadaalo kuna kulmi karaan.
4) Madaama masaajidka fuliyo arimaha xajka sanad walba masaajidka iyo maamulka xajkaba lacag fiican ka so gasho in sanad walbo labo ruux oo da, doodu ka weyn tahay 60 sano la kafaalo qaado in laga bixiyo xajka shuruudana tahay dad danyar ah oo aan awoodin. Qaabka xulitaankana lagu saleeyo bakhtiyanasiib ama qorituur.

Waxa inta badan muran ka dhasha qaabka doorashada gudiga masjidka iyada oo qabiil iyo nooc aan fiicnayn oo eex qabyaaladeed iyo ruux jecleysi lagu so baxo. Waxa muhiima in wax laga badalo, dad badan ba laga yaaba iney is weydiyaan side lagu bedeli kara?

Waxaan aaminsanahay in lagu bedeli karo sidan;

Maadaama asalka dhibaatooyinka qeyb kamid ah ay tahay mushkilada reeraha oo aan meelna looga bixi karin, waxaan qabaa In meesha 4.5 laga dhigo 5 ka dibna guruub walba la yimaadan 6. 6-daas oo 2 dumaryihiin sidaasna wadarta guud ay ku noqonayso 30 ruux. Markii la helo sodonkaas ruux in 21 ruux oo bakhtiyanasiib ah machine lagaga doorto.

Qaabkan waxay sababi karta n isku guruub ah so baxaan ama si isku dhaf ah usoo baxaan, laakiin wa nidaam lagaga badbaadayo hebel igu code iyo hebel aan kugu codeeyo.

Waxaan filayaa masuuliyada saaran qof walbo muslim ah hadana somali ah isla markaasna kheyrka jecel in la badbaadiyo Tawfiiq Islamic Center.

Waxa qoray Mudane Abdi Qabdiid Omar.

Wixii maqaalo aragti ah, waxaad noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments