lørdag, april 27, 2024

Harstad: Gabar yar oo soomaali ah oo hafasho laga badbaadiyay.

Sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee magaalada Harstad ee woqooyiga dalkan Norway, waxaa shaley goob lagu dabaasho biyo ku hafatay gabar da´deeda ay warbaahintu ku sheegtay 5-7 sano. Waxeyna gabadha yar biyaha hoostooda kujirtay 2-3 daqiiqo, kahor inta laga soo badbaadin.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah, gabadha yar oo aad ugu fiicneyn dabaalashada, ayaa goobta dabaasha la joogtay waalidkeeda, waxeyna xiliga ay biyaha ku hafaneysay ay joogtay meel gooni ah.

Nin kamid ah dadka goobta dabaasha ku sugnaa ayaa arkay gabadha, wuxuuna kasoo badbaadiyay biyaha hoostooda oo ay daqiiqado gooban ku hoos jirtay. Waxaana intaas kadib iyaga imaaday shaqaalaha goobta dabaasha oo bilaabay inay gabadha neefta kusoo celiyaan.

Shaqaalaha gargaarka caafimaadka oo loo wacay, ayaa iyaga soo gaaray goobta, waxeyna gabadha u qaadeen isbitaalka, iyaga oo shaley fiidkii warbaahinta u sheegay in xaalada caafimaad ee gabadha yar ay aad u fiicantahay.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen qaar kamid ah soomaalida degan magaalada Harstad, gabadha yar ee shilka hafashada ah laga badbaadiyay ayaa ah gabar soomaali ah.

Xigasho/kilde: Jente sendt til UNN etter å ha vært under vann i 2-3 minutter.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x