Wadaadkii ay Norway deyrisay oo hadana maxkamad ku guuldareystay.

0
76
Wadaadka Krekar.

Wadaadka Najumuddin Faraj Ahmad oo ku caan ah magaca Mulla Krekar ayaa mar kale ku guuldareystay racfaankii uu ka qaatay xukun hore oo lagu xukumay, kadib markii lagu eedeeyay kiis la xiriira qabanqaabo weerar argagaxiso.

Maxkamad kutaal dalka Talyaaniga ayaa horey wadaadkan oo u dhashay Kurdiga Ciraaq ku xukuntay inuu qeyb ka ahaa unug argagaxiso ah oo rabay inay weeraro ka geystaan magaalooyinka Talyaaniga. Waxeyna dowlada Norway ka codsadeen inay usoo gacangaliyaan.

Norway ayaana dhowr bilood kahor wadaadkan ka musaafurisay dalkeeda, waxaana loo dhiibay dalka Talyaaniga, isaga oo hada ku jira xabsi kuyaal gobolka Sicilia ee dalka Talyaaniga.

Krekar ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada Talyaaniga, kaas oo uu hada ku guuldareystay mar kale.

Qareenka wadaadkan ayaa sheegay in arintan ay mar kale cadeyn u tahay cadaalad darada lagula dhaqmay wadaadkan oo uu sheegay inaan wax cadeyn ah lagu hayn haba yaraatee. Waxaana uu horey u sheegay in arintan ay ka danbeyso ujeedooyin siyaasadeed oo kiiska wadaadka laga leeyahay.

Xigasho/kilde: Krekar fikk ikke medhold i anken

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments