Norway: Askari wiil soomaali ah oo uu wareysanayay weeraray oo kiis baaritaan ah lagu furay.

0
122
Sawirka muuqaalka wareysiga Qadar Abdi iyo Askariga. Foto: Booliska

Laanta booliska Norway u qaabilsan dabagalka qaladaadka ka dhaca askarta booliska, xiliga ay shaqada kujiraan, ayaa kiis baaritaan ah ku furay askari ka howlgala magaalada Kristiansand, kaas oo qaab xadgudub lagu tilmaamay ula dhaqmay wiil soomaali ah oo uu wareysanayay.

Qadar Osman Abdi oo asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada Sweden, ayaa laga wareysanayay kiis la xiriira daroogo oo markii danbe loo xukumay. Iyada oo boolisku ay wareysnaayaan ayay weydiisteen inuu dhiibo waraaq ay ku qorneyd passwordka-ka iyo magaca lagu galo koonto snapchat-ka ah.

Sida uu qoray TV2, Qadar ayaa markii hore ogolaaday inuu dhiibo password-ka, balse markii danbe ayuu isbadalay, wuxuuna isku- laalaabay warqadii ay ku qornaayeen passwodka, waxaana markaas weerar lama filaan ah kusoo qaaday mid kamid ah askartii wareysaneysay.

Sida lagu arkayo muuqaalka kaamirada ee qolka wareysiga booliska, askariga ayaa halmar kusoo booday Qadar, wuxuuna ku bilaabay ceejis, isaga isku dayayo inuu dhulka dhigo, si ay warqada uga qaadaan. Hoos ka daawo muuqaalka.

Qadar oo wareysi siiyay TV2 ayaa sheegay inuu mudo 12 ilbiriqsi ah uu neefsan waayay, ceejiska uu ninkan askariga ee xoogan darteed.

Madaxa booliska magaalada Kristiansand, ayaa sheegtay in askariga booliska ah uu ku socdo baaritaan ku saabsan arintan, waxeyna diiday inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso.

Qadar Abdi oo ah wiilka soomaaliga ah ee kiiskan uu kala dhaxeeyo booliska, ayaa isbuucan lagu xukumay 10 sano iyo bar xabsi ah, isaga oo ku eedeysan kiis daroogo la xiriiro.

Xigasho/kilde: TV2-HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA-BOOLISKA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments