R.W Norway oo xustay xasuuq 25 sano kahor loo geystay shucuub muslimiin ah.

0
131
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa ka hadashay xuska xasuuqii 25-sano kahor magaalada Srebrenica ee dalka Bosnia loogu geystay ilaa 8000 qof oo muslimiin aan waxbo galabsan ah.

Xasuuqan oo caan ku ah magaca xasuuqii- Srebrenica ayaa 11-bishii July ee sanadkii 1995 ka bilowday tuulada Srebrenica ee dhacda bariga dalka Bosnia, wuxuuna socday mudo 11 bari ah. Iyada oo inta la xaqiijiyay lagu dilay dad u dhaxeeyo 7500 ilaa 8000 qof oo intooda badan ahaa muslimiinta Bosnia ah. Wuxuuna ahaa xasuuq isir sifeyn ah oo la rabay in lagu tirtiro shucuubta Bosnianka muslimka ah ee deegaankaas ku noolaa.

Waxaana falkan ka danbeeyay maleeshiyaad ka tirsanaa ciidanka dowladii burburtay ee Jugozlavia, gaar ahaan qeybtii asal ahaan kasoo jeeday qowmiyada Seerbiyaanka. Iyada oo generalo kamid ahaa ciidankii ka danbeeyay xasuuqan loo xukumay falal la xiriira xasuuq qowmiyadeed.

Reysulwasaaraha Norway ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in xasuuqaas uu yahay bar madow oo xanuun badan oo kutaal taariikhda Yurub, iyada oo sheegtay inay tahay in mar walba la xasuusnaado, laga feejignaado in fal noocaas oo kale ah uu dhaco.

Xigasho/kilde: Erna Solberg: Viktig å lære av Srebrenica-tragedien.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments