Sarpsborg: Dhakhtarka gobolka oo furay baaritaan la xiriira wiilkii soomaaliga ah ee dilka geystay.

0
72

Xafiiska Dhakhtarka guud ee gobolka Viken ayaa kiis baaritaan ah oo ku saabsan wiilkii soomaaliga ahaa ee dilka geystay, ku furay kommunaha Sarpsborg oo uu deganaa, la socoshada xaaladiina caafimaadna masuul ka ahaa.

Halkan kasii akhri kiiska dilka ah ee uu wiilka geystay.

Waaxda adeega daryeelka iyo caafimaadka degmadda Sarpsborg ayaa sanadkii 2019 joojisay daaweyntii lagu waday wiilka soomaaliga ah ee dilka geystay. Wuxuuna 31-jirka dhowr mar oo kala duwan la seexiyay qeybta xanuunada dhimirka ee isbitaalka magaalada, xaalado caafimaad oo dhanka maskaxda ah awgood.

Waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in 31-jirka soomaaliga ah uu mar hore geystay kiis gacan qaad ah oo uu gaaray heer maxkamadeed, balse maxkamada ayaa ka cafisay danbiga, maadaama xaaladiisa caafimaad aysan sababeyn in loo ciqaabo danbiga uu geystyay.

Xafiiska dhakhtarka gobolka ayaa sheegay in baaritaan ay ku furi doonaan kommunaha Sarpsborg, gaar ahaan qeybta caafimaadka iyo daryeelka dadweynaha.

Xigasho/kilde: Drapssiktet fikk ikke lenger behandling – fylkeslegen åpner tilsynssak

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments