torsdag, april 25, 2024

Warbaahinta Norway maxey ka qoreen xil ka qaadistii R.W X. A. Kheyre?

Maalintii sabtida waxay bulsho-weynta soomaaliyeed ku waabiriisteen mooshin aan horey loo shaacin oo baarlamaanka Soomaaliya ay xilkii kaga qaadeen reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre oo ahaa reysulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Soomaaliya ee ka danbeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, ayaa inta uusan ku biirin siyaasada Soomaaliya ahaa qof hormuud ah oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Wuxuuna sanadkii 2001 noqday gudoomiyaha ururkii burburay ee midowgii ururada iyo jaaliyadaha soomaalida Norway(Somalisk Råd Norge), isaga oo 1993 kamid ah aas-aasayaashii ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway(Somalisk student forening). Wuxuuna markii danbe noqday maamulaha hey´adda gargaarka qoxootiga Norway( NRC), qeybteeda gobolka bariga Afrika iyo dalka Yemen.

Warbaahinta Norway ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxeyna intooda badan qoreen in xukuumadii uu madaxa ka ahaa Xasan Cali Kheyre ay ku guuleysan weyday sugista amniga iyo xasilinta mowjahada siyaasada is diidan ee Soomaalida dhexdeeda ah. Iyaga oo dhanka kale ku amaanay wax qabadkii iyo isbadalkii uu ka sameeyay arrimaha dhaqaalaha, iyo diiwaan-galinta iyo mushaar siinta shaqaalaha dowlada, sidoo kale dhameystirka iyo taabagalinta barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Nin lagu magacaabo DR. Maxamed Gaas oo profosor ka ah jaamacada ås, oo u waramay wargeyska VG ayaa sheegay in shaqo ka ceyrinta Xasan Cali Kheyre ay aheyd qorshe uu isku soo rakibtay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo raba mudo dheereysi, isaga oo ceyrinta Kheyre laga leeyahay ujeedo ah in dib u dhaca doorashada lagu xalaaleysto.

Gaas ayaa sheegay in talaabada ceyrinta Kheyre iyo damaca mudo kororsiga ee Farmaajo ay yihiin labo wax oo isku xiran, taas oo hadii ay sii socoto ay ka dhalan karto qalalaase keeni kara gacan ka hadal ama dagaal sokeeye.

Halkan ka akhri qeybo kamid ah warbixinta ay saxaafada Norway ka qortay shaqo ka ceyrinta Xasan Cali Kheyre.

VG: Fjerner norsk-somalisk statsminister.

Nrk: Norsk-somalisk statsminister må gå

NTB: Mistillit mot Somalias «norske» statsminister

Mistillit mot Somalias «norske» statsminister

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x