PST: Waxaan ka cabsi qabnaa in weerar argagaxiso la sameeyo maalmaha ciida.

0
100

Hey´adda sirdoonka iyo nabad sugidda Norway(PST), ayaa qiimeyn ay sameysay ku sheegtay inay ka cabsi qabaan in weerar argagaxiso oo ka imaanaya kooxaha xagjirka midigta fog lagu qaado goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah, maalmaha ciidda.

Waxey warbixinta PST-du sheegtay in maalmaha ciiddu ay noqon karaan bar tilmaameed ay beegsadaan kooxaha xagjirka midigta fog ee islaam iyo muslim naceybku uu kujiro.

Saas oo tahay, hey´adda Nabad sugidda Norway, ayaa sheegtay inaysan jirin weerar argagaxiso oo ay hada ogyihiin in kooxaha xagjirku ay maleegi doonaan maalmaha ciidda, balse waxey carabka ku adkeeyeen in maalmahaas ay bar tilmaameed muhiim ah u noqon karaan kooxaha xagjirka midigta fog.

Warbixinta PST-da Norway ayaa imaaneyso sanad kadib markii uu dhacay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum, kaas oo ahaa mid uu Philip Manshaus qorsheeyay inuu qaado maalin ciid ah, laakiin kusoo aaday maalintii ciida ka horeysay.

Hey´adda Sirdoonka Norway ayaa eedeyn iyo dhaleeceyn badan kala kulantay, qaabkii ay uga hortagi waayeen weerarkaas argagaxiso, iyaga oo hayay xoggo sheegaya in weerar lagu qaadi doono goobaha cibaaddada dadka muslimiinta ah ee Norway.

Xigasho/kilde: PST: Id-feiringen kan være et symbolmål for høyreekstreme

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments