Soomaalida Sarpsborg oo warbaahinta la hadashay, sheegteyna dareenkooda.

0
87
Foto: Wikipedia

Habeenkii Talaadada nin soomaali ah, ayaa magaalada Sarpsborg ee gobolka Viken ku dilay haweenay Norwiiji ah, halka uu ku dhaawac gaarsiiyay labo qof oo dumar soomaali ah. Halkan kasii akhri.

Hanad Hassan Mohammed, Afhayeenka gudi ay jaaliyada soomaaliyeed ee deegaankaas u saareen dhacdadan ayaa warbaahinta la hadlay, isaga oo sheegay dareenka bulshada soomaalida ah ee ku aadan falkan naxdinta leh.

Wuxuuna sheegay in bulshada soomaalida ah ee deegaankaas ay dareenkooda iyo tacsida la qeybsanaayeen dadka dhibanaasha ah iyo qoysaskooda. Isaga oo sheegay in gudiga ay soomaalidu u saareen arintan ay la shaqeynayaan qoysaska dhibanayaasha ah, booliska iyo gudiga xaaladaha deg-dega ah ee degmada Sarsborg. Muhiimaduna ay tahay in dhacdadan hal dhinac oo isku mid ah laga wada istaago.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la ogaado in bulshada soomaaliyeed ee deegaankaas ay iyaguba yihiin dhibanayaal, lana muujiyo in soomaalidu aysan qeyb ka aheyn falka uu ninka soomaaliga ah geystay.

Xigasho/kilde: Det somaliske miljøet i Sarpsborg er i sorg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments