Norwiijiyaanku kalsooni iskuma qabaan, marka arrintan laga hadlayo.

0
78
Foto: W.H.D

Natiijada Tirokoob iyo xog uruurin dhawaan la sameeyay, ayaa lagu sheegay in 72% dadka Norway kunool aysan kalsooni ku qabin, ama aysan hubin in dadka Norway kunool ay si sax ah u raacaan Amarada dowlada ee ku saabsan ka hortaga xanuunka Corona-virus.

28% dadka lagu xog wareystay tirokoobkan ayaa sheegay inay ku kalsooniyiin in dadka kale ee Norway kunool ay raacayaan talaabooyinka iyo amarada dowlada.

Nora Clausen oo katirsan xarunta xog uruurintan sameysay ayaa sheegtay in wax aad loola yaabo ay tahay in Norwiijiyaanka aysan kalsooni isku qabin, marka laga hadlayo raacitaanka talooyinka iyo amarada dowlada ee ku saabsan xanuunka Corona-virus.

Xigasho/kilde: NORDMENN HAR LAV TILLIT TIL AT ANDRE FØLGER SMITTEVERNSEGLENE

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments