Xisbiga Frp oo dhexdiisa madaxa iskula jiro.

0
110

Maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta Norway ayaa siyaabo kala duwan u falanqeyneysay khilaaf ka dhex taagan siyaasiyiinta xisbiga Frp oo ah xisbiga xagjirka midig ee siyaasada Norway. Dooda ugu xoogan ee ka dhaxeyso xubnaha xisbiga ayaa ku saabsan xulitaanka musharaxiinta xisbiga ee doorashada baarlamaanka sanadka danbe, iyo xubnaha gali doono boosaska koowaad ee la hubo inay baarlamaanka soo gali doonaan.

Dood kale oo aan rasmi aheyn oo barbar socoto dooda koowaad, ayaa ku saabsan in xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga qaarkood ay rabaan in isbadal lagu sameeyo hogaanka guud ee xisbiga Frp. Xilkana laga qaado Siv Jensen oo xisbigaas hogaamineysay 15-kii sano ee ugu danbeeyay. Doodan ayaa ka socoto goloyaasha baraha bulshada oo ay ku uruursanyihiin taageerayaasha xisbiga.

Taageerayaal badan oo xisbiga Frp katirsan ayaa qaba in hogaanka xisbiga loo dhiibo Syvli Listhaug oo aheyd wasiirkii hore ee arrimaha soo galootiga iyo cadaalada Norway. Listhaug ayaa lagu xusuustaa inay aheyd wasiir hadalo qalafsan oo ajaaniibta ka dhan ay ku qorto baraha bulshada ay ama ay ka sheegto warbaahinta.

Sidoo kale wasiirkii hore ee gaadiidka Ketil Solvik-Olsen ayaa isna kamid ah xubnaha ugu horeeyo ee taageerayaasha xisbiga Frp ay rabaan inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee xisbiga. Kjetil ayaa horey u ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga.

Xigasho/kilde: Grasrot-favoritter til partilederjobben stortingsrepresentant Sylvi Listhaug og tidligere samferdselsminister Ketil Solvik-Olsen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments