Xiligan ayuu dhaqangali doonaa shardiga luuqada ee qaadashada dhalashada Norway.

0
190

Baarlamaanka Norway ayaa isbuucii lasoo dhaafay isku raacay in la adkeeyo shardiga dhanka aqoonta luuqada Norwiijiga ah ee lagu xiro dadka raba inay noqdaan muwaadiniin Norwiiji ah. Waxeyna xubnaha baarlamaanku ay isku raaceen codsi ay dowladu baarlamaanku u dirtay oo ahaa in shardiga ku hadalka luuqada Norwiijiga(Muntlig) laga badalo heerka A2, lagana dhigo heerka B1.

Su´aal maalmihii lasoo dhaafay dad badan ay isweydiinayeen ayaa aheyd xiliga uu dhaqangaliyo shardiga cusub ee luuqada iyo taariikhda uu ka bilaaban doono.

Hey´adda socdaalka iyo qoxootiga ee UDI-da ayaa barteeda soo dhigtay qoraal kooban oo ay ku sheegeyso in xiliga ugu horeeyo ee shardigaas uu dhaqangali karo, ay tahay 01.07.2021(Sanad kadib hada), waxeyna raacisay in taariikhdaas ay tahay taariikhda lasoo jeediyay in xeerka cusub adeegsigiisa la bilaabi doono.

Waxeyna ka dhigantahay in shardiga cusub uu qaban doono dadka xareeyo codsiga dhalashada Norway, wixii ka danbeeyo taariikhda uu xeerka cusub dhaqangali doono.

Si lamid ah xeerka cusub ee shardiga luuqada, waxaa isna isla taariikhdaas(01.07.2021) dhaqangali doono shardi kale oo ku saabsan in meesha laga saari doono shardigii ku saabsanaa in qofka codsanayo dhalashada Norway lagu xiro saacado barashada luuqada Norwiijiga iyo barashada cilmiga bulshada ah.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri qoraalka hey´adda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments