Kiiskii Keshvari oo maxkamada sare ee Norway tagay.

0
76
Foto: NRK/SKJERM

Maxkamada sarre ee dalkan Norway ayaa aqbashay dhageysiga kiiska dacwada racfaanka ah ee xildhibaan hore Mezyar Keshvari uu ka qaatay xukunkii maxkamada hoos ee ahaa 7-da bilood ee xabsiga ah.

Keshvari ayaa loo xukumay danbi ah inuu sifo aan sharci aheyn baarlamaanka Norway uga qaadan jiray lacago uusan xaq u laheyn, isaga oo soo xareyn jiray xisaabaadka safaro uu galay oo been abuur ah. Wuxuuna Keshvari qirtay iuu baarlamaanka Norway ka khiyaanay lacag gaareyso 450.000 kr.

Keshvari ayaa hada ka dacwoonaya in xukunka 7-da bilood ah uu hayay mid adag, marka loo fiiriyo inuu danbiga qirtay, sidoo kalena uu dib qasnada baarlamaanka ugu celiyay lacagtii uu sifada sharci darada ah ku helay.

Maxkamada darajada labaad ayaan horey waxbo uga badalin xukunka Keshvari, wuxuuna hada kiiskiisu tagay maxkamada sare oo mar kale dacwadiisa dhageysan doonto.

Xigasho/kilde: SAKEN MOT MAZYAR KESHVARI BEHANDLES I HØYESTERETT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments