torsdag, april 25, 2024

Lørenskog: 2 caruur ah oo meyd ah iyo hooyadood oo dhaawac ah oo gurigooda laga helay.

Sida ay sheegeen booliska, waxey saaka aroortii hore ay guri kuyaal xaafada Lørenskog ee duleedka Oslo ka heleen meydka 2 caruur ah iyo hooyadood oo dhaawac ah. Waxeyna boolisku sheegeen in dhaawaca hooyada dhashay labada caruurta ah ee dhintay uu yahay mid halis ah.

Marit Furuseth oo ah madaxa howlgalada laanta booliska ee Lørenskog ayaa sheegtay in dhacdadan ay boolisku baaritaankeeda wali wadaan, iyaga oo meel guriga ka baxsan ku qabtay aabaha dhalay caruurta oo lala xiriirinayo dilkooda.

Xigasho/kilde: To barn funnet døde på Lørenskog

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x