Daraasad: NAV oo siyaabo kala duwan ula dhaqanta dadka diin darteed shaqooyinka qaar u diida.

0
78

Daraasad laga sameeyay qaabka ay NAV ula dhaqanto dadka sababo diin la xiriirta darteed u diida shaqooyinka loo soo bandhigo qaarkood, ayaa lagu ogaaday in dadkaas ay shaqaalaha NAV ula dhaqmaan siyaabo aan isku mid aheyn.

Tusaale ahaan dadka muslimiinta ah qaarkoodayaa diida inay ka shaqeeyaan shaqooyinka lagu iibiyo khamriga iyo hilib doofaarka. Halka dadka aaminsan aaminsan dariiqada «Adventisme» ee diinta masiixiyada, ay diidaan inay shaqeeyaan maalinta sabtida oo ay aaminsanyihiin inay tahay maalin barakeysan(Muqadas ah).

Baaritaanka la sameeyay, ayaa lagu ogaaday in Shaqaalaha NAV qaarkood ayaa diidaan inay kaalmo dhaqaale siiyaan dadka sababo diin la xiriirta darteed u diida inay qaataan shaqooyinka loo soo bandhigo qaarkood. Halka isla baaritaanka lagu ogaaday in qaar kale oo kamid ah shaqaalaha NAV ay dadka shaqooyinka qaarkood u diida diin darteed, ay siiyaan ama u ogaalaadaan inay helaan taageero dhaqaale.

Arinta yaabka leh ayaa ah in shaqaalaha dadkaas u diida taageerada dhaqaale iyo kuwa u ogaaladaba ay adeegsadaan isku sharci, balse siyaabo kala duwan ay u turjubaan micnaha sharciga.

Sharciga NAV ayaa qaba in qofkii shaqo la aan ah ee taageero dhaqaale ka hela NAV, uu ogolaado inuu qaato shaqada ugu horeysa ee loo soo bandhigo. Hadii uu qofku diido shaqada loo soo bandhigo uu diidana, wuxuu lumin karaa taageerada dhaqaale ee NAV.

Saas oo tahay, hadana shaqaalaha NAV ayaa iyaga oo qiimeynaya xaalad uu qofku markaas ku suganyahay mararka qaarkood u ogolaado inuu qofku helo taageerada shaqaale, halka qaar kalena ay u diidaan.

Xigasho/kilde: Ny studie viser at Nav har ulikt syn på jobb og religion

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments