torsdag, april 25, 2024

Dowlada Norway miyay ka hadashay shaqo ka ceyrintii R.W X.C.Kheyre?

6 maalmood kahor, baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, inkasta oo isagu uu markii danbe sheegay inuu iscasilay, isaga oo u naxaya dadka soomaaliyeed, kana hortaga dhibaato dhacda.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa shaqo ka ceyrinta Xasan Cali Kheyre oo heysta dhalashada dalkan Norway uga hadlay, una falanqeeyay siyaabo kala duwan. Halkan ka akhri.

Dowlada Norway miyay ka hadashay:

Inta badan dowladaha waaweyn ee taageerada dhaqaale iyo mida siyaasadeed siiya dowlada Soomaaliya, ayaa si cad uga soo horjeestay habka xilka looga qaaday Xasan Cali Kheyre. Waxeyna ku sheegeen in meel looga dhacay dastuurka Soomaaliya, talaabada uu ku kacay baarlamaanka Soomaaliyana ay aheyd mid halis galin kartay horumarka nabadeed iyo kan dimuqraadiga ah ee 10-kii sano ee lasoo dhaafay laga gaaray Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada midoobay iyo ilaa 21 wadan oo kale oo ay Norway kamid tahay ayaa war saxaafadeed ay usoo wada saareen si wadajir ah, ku dhaleeceeyay talaabada xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre. Midowga Yurub ayaa iyagana dhankooda dhaleeceeyay talaabadaas.

Halka dowladaha Sweden, UK iyo Mareykanka ay iyaguna dhankooda si gooni-gooni ah u dhaleeceeyeen talaabadaas oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid qar iska xoornimo ah oo aan laga fiirsan.

Saxaafada Soomaalida qaarkood ayaa qoray in wasaaradda arrimaha dibadda dowlada Norway ay soo saartay war saxaafadeed ay ku dhaleeceyneyso shaqo ka ceyrinta Xasan Cali Kheyre oo heysta dhalashada dalkeeda.

Balse baaritaan ay sameynay kadib, ilaa hada majirto war cad oo ay dowlada Norway si gooni ah uga kasoo saartay shaqo ka ceyrinta Kheyre, marka laga reebo war saxaafadeedka ay si wadajirka ah u qoreen dalalka caawiya Soomaaliya. Safaarada Norway ee Kenya oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya ayaan ilaa hada iyadu ka hadlin arintaas. Waxeyna u muuqataa in wararka ay qoreen warbaahinta soomaalida ah ay ahaayeen mala-awaal.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x