fredag, april 19, 2024

Moss: 26 qof oo xaflad aroos ka qeybgalay oo laga helay xanuunka Covid-19.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa guud ahaan dalkan Norway kor usoo kacay tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 dalkan Norway, taas oo aad u yareyd labadii bilood ee nasoo dhaaftay. Waxaana 24-tii saac ee lasoo dhaafay xanuunka laga helay 22 qof oo cusub.

Si gaar ah waxaa maalmahan aad loo hadal hayay aroos maalmo kahor ka dhacay magaalada Moss, kaas oo sababay in dad gaarayo 26 qof laga helo xanuunka, halka jawaab laga sugayo 190 qof oo laga qaaday baaritaanka xanuunka. Isku dar waxaa xanuunka Covid-19 magaalada Moss laga helay 128 qof.

Maamulka magaalada Moss iyo laamaha caafimaadka, ayaa dhanka kale sheegay inaysan ogeyn tirada dadka ka qeybgalay arooskaas, waxeyna sheegeen in maamulka degmadu uu aad ugu howlanyahay helitaanka liiska dadkii arooskaas ka qeybgalay, si looga ogaado meesha uu xanuunka ka yimid, iyo dadka kale ee xanuunka qaadi karay.

Xigasho/kilde: To nye personer er smittet med korona i Moss. Nå er det 26 smittede i et lokalt utbrudd. Flere har vært i det samme selskapet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x