Askim: Qareen Christian gurigiisa ayaa lagu xabadeeyay oo lagu dilay.

0
86
Christian Halvorsen (43): Qareenka la dilay. Foto: Privat

Christian Halvorsen oo ah mid kamid ah qareemada dowlada ayaa axadii lasoo dhaafay(isbuuc kahor) lagu dilay gurigiisa oo kuyaal deegaanka Askim ee duleedka magaalada Oslo. Waxaana xiliga la diliyay uu cunto u diyaarinayay qoyskiisa. Waxaana dilkiisa ay boolisku u qabreen labo nin oo xabsiga la dhigay.

Xaaskiisa oo xiliga ninkeeda la dilayay ku maqneyd banaanka, ayaa heshay isaga oo dhaawac halis ah. Waxeyna isku deyday inay u fidiso gargaarka deg-dega ah, kahor inta aysan Umblance u imaanin oo ay isbitaalka ula cararin, halkaas oo markii danbe oo ku geeriyooday.

Booliska ayaa maxkamada Follo ka codsaday in afar isbuuc oo kumeel gaar ah la xiro labada nin ee dilka qareenka ku eedeysan, si loo baaro kiiska dilka ah. Waxeyna maxkamadu ogolaatay codsiga booliska.

Wargeyska Dagbladet ayaa qorayo in qareenka la dilay loo soo diray hanjabaado dhowr ah, inta aanan la dilin kahor.

Xigasho/kilde: Christian Halvorsen (43) ble drept i hagen sin mens han laget mat til familien.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments