Bergen: Dad 100 qof ka badan oo karantiil la galiyay.

0
130
Foto:TOMOYOSHI NOGUCHI

Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende, dad kor u dhaafayo 100 qof ayaa magaalada Bergen la galiyay karantiil, kadib markii ay xanuunka Corona-virus laga helay dhowr qof oo magaalada ku sugnaa.

Dadka xanuunka laga helay ayay maamulka waaxda caafimaadka ee magaalada Bergen ay sheegtay inay tageen goobaha jimicsiga, ay qaateen gaadiidka dadweynaha, sidoo kalena ay wax ka cuni jireen maqaaxiyaha magaalada.

Maamulka magaalada Bergen ayaa sheegay inay xiriiir la sameeyeen dadkii ka agdhawaa dadka xanuunka laga helay, iyaga oo ka codsaday inay Karantiil galaan. Si looga fogaado inuu xanuunku magaalada ku faafo.

Maamulka magaalada ayaa dhanka kale sheegay inay ka cabsi qabaan in xanuunku uu mar kale magaalada Bergen ku dhex faafo.

Xigasho/kilde: Over 100 må i karantene etter smitteutbrudd i Bergen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments