Askøy-Bergen: Wiil hooyadiis mindi ku dilay, kadibna is dilay.

0
90

Sabtidii lasoo dhaafay booliska deegaanka Askøy ee duleedka magaalada Bergen ayaa guri deegaankaas kuyaalo ka helay meydka haweenay 54 sano jir aheyd iyo wiilkeeda oo 28 sano jir ahaa. Waxeyna boolisku labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka gaabsanayeen inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan dhacdadan.

Booliska magaalada Bergen ayaa shir jaraa´id oo ay maanta qabteen ku sheegay in baaritaan kadib, ay tuhunsanyihiin in wiilka meydiisa la helay uu marka hore mindi ku dilay hooyadiis, kadibna uu isagu gacantiisa isku dilay.

Booliska ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaanka dhacdadan, aysana wali cadeyn sababta wiilka 28-jirka ah ku qasabtay inuu dilo hooyadiis. Waxeyna boolisku soo gaba-gabeeyeen wajiga koowaad ee baaritaankan.

Dhacdadan ayaa ku biireyso dilal naxdin lahaa oo isbuucii tagay ka dhacay meelo kala duwan oo dalkan Norway ah.

Xigasho/kilde: Politiet om Askøy-dødsfallene: Sønn knivstakk moren før han tok sitt eget liv.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments