Ururo, khuburo iyo siyaasiyiin codsaday in dib loogu noqdo 891 kiis oo diidmo ka helay UDI-da.

0
89

Wargeyska Dagens næringsliv ayaa soo bandhigay kiis abuuray muran badan, kaas oo ku saabsan nin ajnabi ah oo heysta dhalashada Norway, loona diiday in xaaskiisa loo keeno Norway, isaga oo buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa. UDI-da ayaa diidmada ay ninkan siisay ku sababeysay inay ka shakisanyihiin in guurkaas uu yahay mid aan sax aheyn, balse lagu raadinayo in qof Norway lagu keeno. Halkan kasii akhri

Kadib markii uu wargeyska DN soo bandhigay kiiskan, waxaa la ogaaday inay jiraan 891 kiis oo kale, kuwaas oo 10-kii sano ee ugu danbeeyay qaabkaas oo kale loo siiyay diidmo la xiriirta shakiga ay UDI-du ka muujisay run ahaanshaha guurka labada qof ee isku dacwoonayo. Waxaana la yaab noqotay in hey´adda UNE oo ah aheyd hey´adda looga dacwoodo go´aanada UDI-da ay iyadna qeyb ka tahay go´aamada kiisaskan.

Waxaana hada furmay dood badan oo ku aadan qaabka ay UDI-du u turjuntay qodobka loo adeegsaday diidmada la siiyay dadkan, iyada oo wasaaradda cadaalada laga codsaday inay baaritaan toos ah ku furto hey´addaha qoxootiga, dibna loo furo kiisaskan.

Hey´adda qoxootiga ee NOAS, khubarada dhanka sharciga iyo siyaasiyiin dhowr ah ayaa dalbaday in baaritaan weyn lagu sameeyo kiisaskan, dibna loo furo dhamaantood si loo ogaado in qaab sharci ah loo dhaqangaliyay sharciga iyo in si qaldan loo turjumay.

Siyaasiyiinta qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ula yaabeen arintan, ayna wasiirka cadaalada, Monica Mælend ay ka rabaan sharaxaad ku saabsan arintan iyo qaabka ay ku dhacday. Iyaga oo sheegay inay wasiiradda ugu yeeri doonaan hoolka baarlamaanka, si ay arintan u bulshada.

Wasiiradda cadaalada ayaa sheegtay inaysan wasaaraddu waxbo ka ogeyn arintan, waxaana hada soo baxay in 17 kiis oo noocan oo kale ay ku jiraan kiisaska.

Khubarada dhanka sharciga ayaa sheegay in kiisaskan ay noqon karaan fadeexad weyn oo mar kale soo wajahdo hey´addaha dowlada Norway, waxeyna sheegeen in arintan ay waxyaabo badan uga egtahay kiisaskii fadeexada NAV.

Xigasho/kilde: Noas krever at utlendingsmyndighetene må gå gjennom tidligere avslag på opphold i Norge basert på den såkalte proformabestemmelsen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments