DN: UDI-da oo 10 sano ku dhaqmeysay arintan oo sharci daro iyo fadeexad noqon karto.

0
100
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Wargeyska Dagens Næringsliv oo kamid ah wargeysyada waaweyn ee dalkan Norway, ayaa isbuucan soo bandhigay qisada nin iyo naag ajnabi ah, kuwaas oo hey´adda ajaaniibtu ay 6 sano ka hor istaagneyd inay qoys ahaan midoobaan ama isla noolaadaan.

Sheekadan uu wargeysku soo bandhigay ayaa ku saabsan nin lagu magacaabo Reza Bastani oo wadankan Norway yimid sanadkii 1989-kii, heystana dhalashada Norway. Sanadkii 2014 ayuu dalka Moroko kusoo guursaday xaas, wuxuuna u xareeyay dacwada qoysaska raba inay dib u midoobaan. Halka sanadkii 2018 ay u dhalatay gabadhoodii ugu horeysay.

Arintan la yaabka noqotay ee wargeysku uu soo bandhigay ayaa ah in hey´adda ajaaniibta ee UDI-da, ay Reza diidmo ka siisay codsiga ah inuu xaaskiisa Norway keeno, iyaga oo sheegay inay ka shakisanyihiin run ahaanshaha guurka dhexdooda ah, ayna tuhunsanyihiin in guurkaas uu yahay mid agaasiman oo la rabo in haweeneydaas Norway lagu keeno, si ay sharci u hesho. Reza ayaa dhanka kale buuxiyay dhamaan shuruudihii ku xirnaa codsiga keenista qoysaska, sida dhaqaalaha deegaanka iyo wixii kale oo looga baahnaa.

Reza Bastani oo ka xanaaqsan diidmada ay UDI-du siisay, ayaa cabasho u gudbiyay hey´adda UNE oo iyaduna markeeda UDI-da ku raacday go aankii hore. Reza ayaan is dhiibin, wuxuuna afar mar oo kala duwan xafiisyada dowlada u gudbiyay dacwooyin iyo racfaan uu ku codsanayo in loogu ogolaado in xaaskiisa loo keeno.

UDI-da ayaa ugu danbeysan ka noqotay go´aankeedii hore, waxeyna lix sano kadib ogolaadeen in Reza Bastani uu la midoobo xaaskiisa iyo gabadhiisa. Wuxuuna kiiskiisa toosha ku ifiyay boqolaal keys oo qarsoonaa oo sida isaga oo kale diidmo ku saabsan keenista qoysaska la siiyay.

Sharciga oo si qaldan loo turjumay:

Dabagal uu sameeyay wargeyska Dagens Næringsliv ayaa lagu ogaaday in arintan aysan qabsan ninkan oo kali ah, balse tobankii sano ee ugu danbeeyay ay UDI-du diidmo siisay 891 qof oo codsaday inay la midoobaan xaaskooda/ninkooda, kadib markii ay shaqaalaha UDI-du sheegeen inay ka shakisanyihiin run ahaanshaha guurka dhexdooda ah.

Waxaana sharciga soo galootiga kamid ah qodob hey´adda ajaaniibta awood u siinayo inay diidaan kiisaska dacwada qoysaska, hadii ay ka shakiyaan in guurka ama xiriirka labada qof ee isku dacwoonayo uusan run aheyn. Balse su´aasha ugu weyn ee hada taagan, ayaa ah qaabka loo qiimeynayo run ahaanshaha guurka labo qof oo sheegay inay isguursadeen, rabaana inay midoobaan.

Khubarada sharciga ayaa hada codsanayo in baaritaan buuxo lagu furo hey´adda ajaaniibta, dibna loo furo kiisaska dhamaan dadkii diidmada la siiyay iyada oo la adeegsanayo xeerkaas, waxeyna sheegeen in arintan ay noqon karto fadeexad lamid ah midii qabsatay ee hey´adda NAV.

Xigasho/kilde: Jusprofessor: – Minner om Nav-skandalen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments