Stavanger: Siiriyaan qirtay dilka xaaskiisii hore iyo saaxiibkeeda cusub.

0
128

Sida ay xalay fiidkii xaqiijiyeen booliska magaalada Stavanger, nin qoxooti siiriyaan ah ayaa qirtay inuu ka danbeeyo dilka xaaskiisii hore iyo saaxiibkeeda cusub. Wuxuuna falka dilka ah habeenkii arbacada uu ka dhacay guriga ninka ay la socotay xaaskii ay kala hareen.

Ninka dilka ku eedeysan oo afartameeyo jir ah ayaa isku soo dhiibay booliska, wuxuuna qirtay inuu isagu ka danbeeyo dilka xaaskiisii hore oo 20-meeyo jir aheyd iyo saaxiibkeeda cusub oo 30-meeyo jir ahaa. eedeysanaha dilka ku eedeysan ayaa la sheegay inuu aqoon gaaban u lahaa ninka uu dilay ee xaaskiisii hore ay la socotay.

Booliska ayaa sheegay in maseyr(Hinaaso) uu noqon karo sababta keentay falkan dilka ah oo lagu tilmaamay mid argagax leh. Waxeyna raaciyeen in boolisku uu horey uga warqabay xiriirka labada qof, kadib markii xiriir lala soo sameeyay. Balse ma aysan sheegin qofka xiriirka lasoo sameeyay iyo qaabka uu xiriirkaas ku dhacay.

Qareenka ninka dilka ku eedeysan ayaa sheegay in falkan uusan aheyn mid qorsheysnaa ama si ku talagal ah u dhacay, balse uu ahaa mid si kadis ah ku dhacay, isaga oo raaciyay in ninka dilka ku eedeysan uu argagax weyn ka qaaday falka uu geystay.

Xigasho/kilde: Sjalusi kan ha vært motivet for dobbeltdrapet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments