Dowlada oo meelmarisay mooshinkii adkeynta luuqada ee qaadashada dhalashada.

0
79

Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg oo taageero ka heleyso xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Ap, ayaa baarlamaanka Norway ka meelmariyay mooshinkii ku saabsanaa in lasii adkeeyo shardiga dhanka luuqada ee lagu xiro dadka raba inay qaataan dhalashada ama baasaboorka Norway.

Arinta ayaa dhacday iyada oo 107 qof oo kamid ah dad khuburo iyo aqoonyahan isugu jiro oo gaaraya 121 qof ay dowlada kala taliyeen meelmarinta xeerkaas oo ay sheegeen inuu abuurayo kala fogaansho ajaaniibta iyo dadka wadanka u dhashay ah. Waxaana xusid mudan in dowladu ay iyadu markii hore dadkaas ka codsaday inay kasoo talo bixiyaan arigtidooda ku aadan sharciga cusub, waxeyna 88% dowlada kula taliyeen inaysan dowladu sharcigaas aysan baarlamaanka u gudbin.

Sidoo kale ururka midowga macalimiinta ayaa dowlada kala taliyay inay sharcigaas meelmariso, waxeyna sheegeen in aqoonta luuqada ee B1 uu yahay mid aad u adag oo uusan ka bixi karin qofka wadanka degenaa 7 sano.

Dowlada ayaa dhagaha ka fureysatay talada dadkii ay talada weydiisay, waxeyna baarlamaanka hada ka ansixisay sharcigaas oo hada noqday mid helay aqlibiyad uu meelmaro. Waxaana taageeray xisbiyada mucaaradka ah ee Ap iyo Sp.

Sharcigan cusub ayaa ka dhigan in wixii hada ka danbeeyo(marka sharcigan ay dhaqangaliyaan), qof walba oo codsanayo baasaboorka Norway, ayna da´diisu u dhaxeyso 18 ilaa 67 sano, uu ku baaso imtixaanka afka ee B1 ee luuqada Norwiijiga. Wuxuuna badalayaa shardigii hore oo ahaa inuu qofku ku baaso imtixaanka A2 ee afka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments